Joe Biden Oo Ansixiyay In Hub Laga Iibiyo Israa’iil

Muqdisho-Ayaamaha-Inkasta oo Maraykanka mar labaad horjoogsaday bayaan Golaha Ammaanku soo saari lahaa oo ku baaqayey in colaadda la joojiyo, ayaa madaxweynaha Maraykanka Joe Biden sheegay inuu taageersan yahay xabbad joojin siddeed maalmood oo ay colaadi ku dhex maraysay Qasa Israel iyo ururada Falastiiniyiinta ah.

Biden ayaa ku wargeliyey Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netenyahu in Maraykanku kala shaqaynayo Masar iyo dawlado kale sidii loo joojin lahaa colaadda.

Sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray Aqalka Cad Biden “wuxuu ku tirtirsiyey Israel in ay intii suurto gal ah ku dedaasho in ay ilaaliso rayidka aan waxba geysan”

Warbixintu waxay intaa ku dartay in Biden “sheegay inuu taageersan yahay xabbad joojin oo uu kala hadlay in Maraykanka, Masar iyo dalal kale ay ka wada shaqaynayaan sidii yoolkaa loo gaadhi lahaa.

Hoggaamiyeyaasha caalamka iyo ururada gargaarka ayaa ku baaqay in la qaado talaabo lagaga hortagyo dhimashada rayidka halkaa degan iyo duminta guryaha.