Joe Biden Oo Ciidamo Maraykanka Ah U Diraya Kenya+Sababta.

U.S. President Joe Biden delivers remarks before a ceasefire agreed by Israel and Hamas was to go into effect, during a brief appearance in the Cross Hall at the White House in Washington, U.S., May 20, 2021. REUTERS/Jonathan Ernst

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa ciidamo  maraykanka ah u diraya Kenya si ay xoojinayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Biden ayaa ogolaaday in ciidamo gaar ah loo diro Kenya, kuwaasoo la filayo inay iskaashi kala sameeyaan militariga Kenya la dagaalanka Al-Shabaab inkastoo tirada ciidamada aan la sheegin.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in ciidamo gaar ah oo Mareykan ah loo dirayo dalka Kenya si ay gacan uga geystaan ​​dadaallada gobolka ee ka dhanka ah argagixisada.

Imaatinka ciidamada Mareykanka ayaa lafilayaa in uu kor uqaado amaanka dalka Kenya oo sanadihii lasoo dhaafay ay Al-Shabaab kala kulmeen weeraro isugu jira daagaal toos iyo weearada bambooyinka.

Al-Shabaab ayaa inta badan weero ka geysata goobaha shacabka iyo xaruumaha militariga Soomaaliya, waxay mararka qaar weeraro culus ku qaadaan dowladaha deriska la ah Soomaaliya oo ay ku jirto Kenya.

Woqooyi Bari Kenya iyo qaybo ka mid ah Xeebta dhaca kenya ayaa si gaar ah ay u bartilmaameedsadeen Al-shabaab, sidoo kale waxaa horay weeraro uga dhaceen magaalada Nairobi weeraro, gaar ahaa weerarkii Westgate Mall sanadkii 2013 iyo dhismaha DusitD2 ee 2019.