Johnson: “Iran waa inay wajahdaa cawaaqibka weerarkii ay fulisay”

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa sheegay inay qasab tahay in Iran ay wajahdo cawaaqibka weerarka “nacasnimada” ah ee ay ku qaaday markab ay maamusho shirkad Israeli ah oo marayey xeebaha Oman.

Weerarkan oo dhacay Khamiistii tagtay ayaa waxaa ku dhintay laba qof oo mid British uu yahay, halka kan kalena uu u dhashay Romania.

“Iran waa inay wajahadaa cawaaqibka waxa ay sameysay,” ayuu Johsnon u sheegay weriyayaasha. “Kani waxa uu ahaa weerar aan la aqbali karin oo laga caroodo oo lagu qaaday makrab ganacsi.”

“Muwaadin British ah ayaa dhintay. Waa muhiim in Iran iyo dal kasta uu ixtiraamo socodka maraakiibta ee dunida, sidaas ayey ku adkeysan doontaa UK,” ayuu yiri.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Iran ayaa dhankeedana sheegtay inay ka jawaabi doonto halis kasta oo la geliyo amnigeeda, kadib markii Mareykanka, UK iyo Israel ay ku eedeeyeen weerarka.

Tehran waa ay beenisay inay ku lug leedahay weerarka oo la tuhunsan yahay in lagu fuliyey diyaarad Drone ah.

“Iran kama laba labeyn doonto inay ilaaliso amnigeeda iyo danaheeda qaran, si deg deg ah oo xooggan ayeyna uga jawaabi doontaa isku day kasta oo suurta-gal ah,” waxaa sidaas yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Saeed Khatibzadeh, oo ay soo xigatay warbaahinta dowladda.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa saadaaliyey in “jawaab mideysan” laga bixin doono weerarka.