Jowhar oo laga billaabayo doorashada Golaha Shacabka.

JOWHAR-AYAAMAHA-Magaalada Jowhar ee caasimada Maamul Goboleedka HirShabeelle ayaa noqoneysa Magaaladii ugu horreysay ee Muqdisho ka baxsan lagu qaban doono doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.
Waxaa lagu wadaa in lagu qabto doorashada Saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Hir-Shabeelle.

Saddexda kursi ee doorashadooda la qabanayo ayaa ah kuraasta ugu adag ee Hir-Shabeelle gaar ahaan kuwa degaan doorashashadoodu tahay Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in guddiga doorashada Maamulka Hir-Shabeelle inay soo saaraan jadwalka doorashada Saddexda kursi ee Golaha Shacabka.

Sidoo kale waxaa Saacadaha soo socda Magaalada Jowhar ku wajahan Xubno kamid ah Guddiga doorashooyinka Heer Federaal, kuwaas oo kor joogto ka noqon doona doorashada kuraasta Golaha Shacabka.

Dhawaan waxaa Magaalada Muqdisho lagu qabtay doorashada laba kamid ah kuraasta ugu horreeysa ee Golaha Shacabka, kuwaas oo degaan doorashadoodu tahay Gobolada Waqooyi ee Somaliland