Jubaland oo taageertay shaqo-joojinta uu RW Rooble ku sameeyey Fahad Yasin

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dawladda Jubaland ayaa taageertay talaabooyinka uu qaaday Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, taas oo ay ka mid tahay shaqo-joojinta uu ku sameeyey Fahad Yasin.

Qoraal kasoo baxay Jubaland ayaa lagu taageeray qoraalkii kasoo baxay Ra’iisul wasaare Roonle oo ahaa in shaqada laga joojiyey agaasimaha Ha’adda NISA Fahad Yaasiin.

“Jubaland waxay ku qanacsan tahay tallaabooyinka uu qaadey Ra’iisul Wasaaruhu ee kaga jawaabay codsiyadii isdaba jooga ahaa ee ka imanayay qoyska, qaraabada iyo shacab weynaha Soomaaliyeed ee lagu dalbanayey sidii ay cadaalad ku heli lahayed sarkaalad ikraan Tahliil.”

Hoos ka akhriso qoraalka Jubaland: