Jubbaland oo dib u billowday doorashada Golaha Shacabka

KISMAAYO-AYAAMAHA-Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland ayaa shaaciyay jadwalka qabashada doorashada 3 kursi oo kamid ah 43-da kursi ee ku asteysan Jubbaland.

Kuraastaan oo doorashadooda la qabanayo 17-ka Bishaan oo Khamiista ku beegan ayaa halka kursi oo kamid ah Dumar loo xiray, waxaana ay kala yihiin.

1: Hop#023 oo uu hadda ku fadhiyo Xildhibaan Cali Maxamed Muuse, balse laga dhigay qoondo Dumar.

2: Hop#132 oo uu ku fadhiyo Ibraahim Maxamed Xuseen Buule.

3: Hop#092 oo uu ku fadhiyo Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka Maxamuud Cabdullaahi Sheekh Siraaji.

Maamulada Jubbaland iyo Galmudug ayaa horay u qabtay doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka, waxaana la filayaa in dhawaan sidoo kale ay sii dardar geliyaan doorashada.