Jubbaland oo ka hor timid in ATMIS ay ka baxdo dalka.

MUQDISHO AYAAMAHA Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee Jubaland Maxanuud Seyd Aadan ayaa saluug ka muujiyay qorshaha ciidamadda ATMIS dalka looga saarayo, wuxuuna ku taliyay in dib looga laabto go’aankaasi.

Madaxweyne kuxigeenka oo wareysi siiyey Idaacadda VOA ayaa sheegay in ciidamadda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada aysan xiligan u diyaarsaneyn buuxinta kaalinta ay baneynayaan ciidamadan iyo la wareegista saldhigyada ay faarujinayaan.

Dowladdii hore ee uu hoggaaminayay Farmajao ayuu sheegay iney ka danbeyso arrintan, dhankoodana ay dhowr jeer dalbadeen in la joojiyo balse talooyinkooda aan meel laga soo qaadin.

“In la hakiyo ayay ahayd. Marar badan waan codsanay, madashana way kawada hadleen. Laakiin sida la qorsheeyay waxaa ka go’an ciidamada ATMIS inay dalka ka baxaan, waxaana qorshahaas ka dambeeyay dowladdii hore,’ ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.

Maxamuud Seyd Aadan ayaa ka dhawaajiyay in Shabaab fursad loo siinayo iney dib boorka isaga jafaan, wuxuuna carabka ku dhuftau inay khatar amni wajahayaan dadka shacabka ah ee ku tiirsanaa amniga ciidamada ATMIS, isagoo sheegay inay Alshabaab ku dhaqaaqayaan falal aargoosi ah oo ka dhan ah dadkii iyaga kasoo horjeeday.

Dowladii hore ee madaxweyne Farmaajo ayaa midowga Africa u gudbisay in ciimada AMISON ay isaga baxaan dalka, ciidamada dowladda Soomaaliya ay awood u leeyihiin inay la wareegaan aminga dalka.