Jubbaland oo ka jawaabay gaf uu maamulka Luuq u geystay Qoyska Ikraan Tahlil

Hooyada dhashay Ikraan Tahliil ee dilkeeda lagu tuhunsayahay NISA.

KISMAAYO-AYAAMAHA-Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamay, hadallo xanaf leh oo loogu gafay qoyska dhibanayaasha ay ka baxday Marxuumad Ikraan Tahliil.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay inuu raalli galin ka bixyay gefkaas oo uu sheegay inuu kasoo baxay, sida uu sheegay, kuwa aan xilkas ahayn oo ku sugan gobolka Gedo.

“Waxaan ka raaligalinayaa umadda Soomaaliyeed hadallada ay ku hadleen kuwa aan xilkaska ahayn ee ay sida sharci darrada ah ay uwakiisheen shaqsiyaad kamid ah NISA,” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa ugu baaqay waxgaradka gobolka, sida dhallinyarada, culumaa’udiinka, aqoonyahanka, haweenka iyo ganacsatadaba in ay ka jawaabaan gefka ay geeysanayaan kuwa ku dhex nool oo magacooda adeegsanaya.

“Waan hubaa Madaxweyne Farmaajo ay ceeb ku tahay arrintan, maadaama uu hadalka kasoo yeeray kuwii uu isagu u wakiishay gobolka si dastuurka iyo shuruucda dalka baalmarsan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.

Maalmihii ugu dambeeyay, waxaa baraha bulshada kasoo muuqanayay shakhsi ku sugan gobolka Gedo, oo ku baaqayay in dhibaato loo geysto hooyada dhashay Ikraan Tahliil.