Jubbaland oo markale garab istaagtay RW Rooble.

KISMAAYO-AYAAMAHA-Guddiga hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland SEIT ayaa Maanta bilaabaya diiwaan-gelinta Musharaxiinta kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Soomaaliya.

Guddiga doorashada Jubbalad ayaa Musharaxiinta u tartamaya lix kursi oo ay horey u shaaciyeen ka dalbaday inay Xarunta Guddiga ee Magaalada Kismaayo tagaan, si loo diiwaan-geliyo, isla markaana la siiyo shahaadada Musharaxtinimada Golaha Shacabka.

Guddiga doorashada ayaa labadii maalmood ee ugu dambeeysay waday soona gaba gabeeyey diiwaan-galinta iyo tababarida Guddiyada xulista ergooyinka, sidoo kale waxa ay diiwaan galiyeen dhammaan ergooyinka ka codeenaya 6-da kursi.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa horey uga bilaabatay Muqdisho, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, iyadoona la doortay in ka badan 20 Xildhibaan oo kamid noqonaya Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.