Jubbaland oo markale mumnuucay xirashada Indha-Shareerka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidammada Booliska Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa markale adkeeyay joojinta xirashada indhashareerka Arrintaan ayay sheegeen in ay ciidammadu uga goleeyihiin adkeynta amniga maaddaama ay cadowga ummaddu u isticmaali karaan falal amniga liddi ku ah.

Waxay sheegeen in amarkaan haweenka looga joojiyay xirashada Niqaabka ay ku doonayaan adkeynta amniga Magaalada, isla markaana looga hortego wax kasta oo keeni kara amni darro dhacda.

Taliyaha Ciidamada Booliska Jubbaland oo la hadlay warbaahinta Jubbaland ayaa sheegay in laga bilaabo 23-ka bishaan May 2021 la adkeeyay joojinta xirashada Indhashareerka si loo adkeeyo amniga guud ee shacabka.

Dhowr sanno ka hor ayay ahayd markii amar kaso baxay Jubbaland lagu mamnuucay xirashada indhashareerka xiligaas oo ay kooxda argagixisada ee Al-Shabaab isku dayeen in ay rag usoo galiyaan indhashareer si ay isugu ekaysiyaan dumarka Soomaaliyeed kaddibna dhibaateeyaan dadka masaakiinta ah ee aan waxba galabsan.