Jubbaland oo shaacisay doorashada ‘lix kursi’ oo kamid ah Golaha Shacabka

Doorashada xildhibaanada Maamulka Jubbalamd

KISMAAYO-AYAAMAHA-Guddiga Hirgelinta doorashada heer dowlad Goboleed  ee Maamulka Jubbaland ayaa shaaciyay qabashada doorashada lix kursi iyo jadwalkooda oo ah xilliga la qabanayo.

Kuraasta ay Jubbaland doorashadooda qabaneysa oo ah kuwii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Jubbaland ayaa waxaa kujira laba dumar ah, waxaana lixda kursi ay kala yihiin.

Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa shaaciyay in diiwaangelinta Musharrixiinta lixda kursi ay bilaaban doonto 27 Bishaan halka doorashada lixda kursi ee Golaha Shacabka ay dhici doonto 28 Bishaan oo ku beegan Talaadada soo socota.

Maamulka Jubbalamd ayaa noqon doona Maamulka Saddexaad ee bilaaba doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka, waxaana ka horreeyay Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Kuraasta lixda ah ee la shaaciyey ayaa waxaa kamid ah:-

1: HOP 082 oo Afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay Xamza Sheekh  Xuseen Colow

2: HOP 108 oo uu ku fadhiyo Maxamed Cali Cumar

3: HOP 113 oo ay ku fadhido Wasiirka Dekadaha & Gaadiidka Badda Maryan Aweys Jaamac

4: HOP 134 oo ay ku fadhido Sahra Jaamac Cali (Qorsheel)

5: HOP 203 oo ay hadda ku fadhido Sahra Xaaji Xuseen Cali

6: HOP 217 oo uu ku fadhiyo Xasan Cabdi Cismaaciil ( Xasan Yare) oo Caan ku ahaa difaacida Madaxweynaha Jubbaland.