Jubbaland oo shaacisay Jadwalka doorashada lix Kursi

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa shaaciyay jadwalka qabashada doorashada 6-kursi oo kamid ah 14-kii kursi ee la shaaciyay 13/12/2021.

Guddiga ayaa shaaciyay in 19-ka Bisha oo Maanta ah ay shaacin doonaan Guddiga xulista Ergada dooraneysa lix kursi, halka 20 Bishaan oo Beri ah ay bilaabayaan qabashada Ergada iyo diiwaanvelinta musharrixiinta.

Sidoo klae Guddiga ayaa sheegay in 22-ka Bishaan ay tababarayaan Ergada dooraneysa kuraasta Golaha Shacabka, sidoo kalena 23-ka Bishaan oo ku  beegan Maalinta Axada ee todobaadka soo socda la qabanayo doorashada lixda Kursi.

lixda kursi oo doorashadooda ka dhaceyso Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay kala yihiin.

1: HOP028 oo uu mu fadhiyo Cabdullaahi Maxamed Aadan (Shaacir)

2: HOP093 oo uu ku fadhiyay Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo mar noqday Golaha Wasiirada Xukuumaddii Xasan Cali Kheyre.

3: HOP107 oo ay ku fadhiso Xaawo Maxamed Aadan

4: HOP 111 oo uu ku fadhiyo Maxamed Nuur Iftin Shambara

5: HOP 114 oo uu horay ugu fadhiyo Cabduqaadir Maxamed Xuseen (Faliija)

6: HOP120 oo uu hadda ku fadhiyo Cabduqaadir Sheekh Cali Ibraahim (Bakhdaadi) oo mar soo noqday Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya.