Jubbaland Oo Sheegtay In Aysan Waxba Ka Quseyn Go’aankii DFS Xiriirka Ugu Jartay Kenya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Cabdirashiid Janan), ayaa beeniyay in jabhad uu ka abaabulayo xudduudda Kenya iyo Soomaaliya isla markaana aysan waxba ka quseyn go’aanka dowladda Soomaaliya ay xiriirka diblomaasiyadeed ugu jartay Kenya.

Waxaa uu sheegay in Jubbaland uuusan waxba ka quseyn xiriirka ay dowladda Soomaaliya u jartay Kenya, isla markaana Kenya ay tahay wadan walaalo ah oo aan xiriirka loo jari karin.

Qoraal lagu baahiyay Telefishinka Qaranka ee Soomaaliya ayaa waxay dowladda Federaalka Soomaaliya ku sheegtay inay si dhaw ula socoto abaabul militari ee ay dowladda Kenya maalmahan ka wadday aagga Mandera.

Waxay sidoo kale dowladda Soomaaliya sheegtay inay qaadeyso tallaabo kasta oo ay ku xaqiijinayso madaxbannaanideeda siyaasadeed, wadajirkeeda dhuleed iyo ilaalinta sharafka iyo karaamada shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan xiriirka diblomaasiyadeed u jartay dhiggeeda Kenya oo ay ku eedeysay in ay faragelin ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.