Jubbaland oo soo saartay Amar ku socda Shirkadaha Ka Shaqeeya Xoolaha Udxiyada

KISMAAYO-AYAAMAHA-Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa  ku war galisay hay’adaha, shirkadaha, shaqsiyaadka iyo dhammaan cid walba oo ku shuqul leh xoolaha la gawraco Udxiyada inay iska soo diiwaan galiyaan Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Jubbaland.

Jubbaland ayaa sheegtay in aan la qali karin xoolo aysan fasaxin Wasaaradda oo mas’uuliyad weyn ka saaran tahay ilaalinta Caafimaadka xoolaha la gowraco xilliga Ciida Carafo, iyagoona xusay inay diyaariyeen khaqaatiir ka howlgeli doonta baaritaanka.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa waxaa lagu yiri” waxaa lagu war galinayaa in aysan qali karin xoolo aysan fasaxin Wasaaradda oo masuul ka ah hawlahaan.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa qoraalkeeda waxaa ay ku sheegtay in shirkadaha ay hubiyaan caafimaadka Xoolaha ay gowracayaan, sidoo kalena Wasaaradda ay hubin doonto Goobaha loo qorsheeyay in lagu gowraco Xoolaha.