Jubbaland oo Wakiilka QM oo kala hadashay 16 kursi ee Gobolka Gedo

KISMAAYO-AYAAMAHA-Madaxwayne ku-xigeenka Koowaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, ayaa shir ku qabsoomay habka fogaan aragga la yeeshay ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

Waxaa shirka sido kale qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland iyo qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee matala Gobolka Gedo, Waxaana kulanka diiradda lagu saaray arrimaha la xiriira masiirka 16ka kursi ee deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.

War kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne kuxigeenka Koowaad ee Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in Kulanka uu kusoo dhammaaday is-afgarad iyo guul sida ay sheegeen masuuliyiinta shirka ka qeybgashay.

Xubnaha ka socday Maamulka Jubbaland ayaa Wakiilka QM u sheegay in aan degmada Garbahaareey doorasho lagu qaban karin balse uu u sheegay in hal dhinac uusan go’aan ka gaari karin.

Caqabadaha hortaagan ee doorashooyinka Soomaaliya ayaa waxaa kamid ahb16 kursi ee taala Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo, iyada oo Beesha Caalamka ay Maamulka Jubbaland iyo Villa Somalia ku cadaadinayaan inay xal ka gaaraan.