Jubbaland oo war kasoo saartay Qaraxii ka dhacay Magaalada kismaayo

Aargada kismaayo
Aargada kismaayo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Laamaha ammaanka Jubbaland oo qaraxa Warbaahinta uga warbixiyay ayaa sheegay in dad shacab ah iyo Askar ay ku waxyeeloobeen Qaraxaasi, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay  labo qof halka in ka badan 10 ruuxna ay ku dhaawacmeen, sida uu warbaahinta u sheegay Afhayeenka Wasaaradda Aminiga Jubbaland Jaamac Axmed Cali Joofane.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in laamaha ammaanka ay ogadeen Qaraxaasi waxa uu ahaa iyo sida loo fuliyay kadib baaritaan ay sameyeen, waxaana uu tilmaamay in Qaraxu ahaa miino dhulka lagu aasay oo meesha lagu sii diyaariyay.

Ugu dambeyntii Afhayeenka Wasaaradda amniga Jubbaland ayaa shedegay in Ciidanka ammaanku ay qaadi doonaan howgallo ka dhan ah Al-shabaab, isagoo intaa ku daray in baaritaan dheeraad ah ay ku sameyn doonaan Qaraxa Khasaaraha gaystay eek a dhacay Kismaayo.