MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay Maamul Goboleedyada, Jubbaland, Puntland, Hir-Shabeellee iyo Jubbaland inay si deg dega ah u bilaabaan doorashada Golaha Shacabka.
Kulankii xalay dhexmaray Golaha wadatashiga Qaran ee doorashooyinka ayay Madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland & Hir-Shabeelle ka sheegeen inay si deg deg ah dhawaan u bilaabayaan doorashooyinka Golaha Shacabka.
Doorashooyinka Golaha Shacabka ee ka bilaawday dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa waxaa ka timid cabasho ballaaran, iyada oo ay inta badan muujinayeen Midowga Musharrixiinta.
Lama oga sida ay u dhaqan gelin doonaa amarka Ra’iisul wasaare Rooble balse ee ah inay dhaqso ku billaabaan doorashada Golaha Shacabka balse waxaan xusid mudan in 24 december ay Guddiga Doorashooyinka qabsadeen inay kusoo gabagabeyn doonaan dooarashada Golaha Shacabka.