K/Waqooyi iyo K/Koonfureed oo markii ugu horreysay Gantaallo isu adeegsaday

MUQDISHO-AYAAMAHA-Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa markii ugu horreysay isu adeegsaday gantaallo iyaga oo la beegsaday xeebaha labada dal.

Seoul ayaa ka jawaabtay Arbacadii saddex saacadood ka dib markii Pyongyang ay ridday gantaal ku dhacay meel 60km (37mi) u jirta magaalada koonfurta ee Sokcho.

Milateriga Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in tani ay tahay “wax aan la aqbali karin” oo lagu xad-gudbay dhulkooda.

Koonfurta Waxa ay ridday saddex gantaal oo cirka iyo dhulka ah iyada oo ka jawaabaysa, kuwaas oo ay saraakiishu sheegeen in ay ku dhaceen masaafo la mid ah khadka Waqooyiga .

Kuuriyada Waqooyiga ayaa Arbacadii ugu yaraan 10 gantaal ku ridday dhanka bari iyo dhinaca galbeed , sida ay sheegeen saraakiisha Kuuriyada Koonfureed.

Waxay arrintan ku soo beegmaysaa maalin uun ka dib markii Kuuriyada Waqooyi ay ugu hanjabtay Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed dhoolatuskooda milateri ee wadajirka ahaa, iyadoo sheegtay in “Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed wajihi doonaan caqabado xun ayna la kulmi doonaan natiijadii ugu xumayd taariikhda”.

Waxaa jira walaac laga qabo in hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un uu diyaar garow ugu jiro tijaabadii ugu horeysay ee hubka Nukliyeerka ah.