Kadib guushii Xasan Sheekh ‘Welwel soo wajahay ciidamadii lagu weeray Mucaaradka’.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Sanadkii hore waxaa caan baxday kalmadda ah “Igaarkaygii Farxaanoow ka joog, dhiiqaa lugaha laguu galinooyaa”, taas oo uu shir jaraa’id ka sheegay madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud oo markaasi ka mid ahaa madaxda mucaaradka.

Ma ahayn hadal kaftan iyo maad looga gol lahaa, wuxuu Xasan Sheekh ka hadlayay saraakiil ciidan oo lagu eedeynayay in ciidamada ay u horkaceen ku milanka siyaasadda.

Hadda Xasan waa madaxweynaha dalka, boqolka maalmood ee ugu horeeyana waxa laga filayaa in uu isbadel ku sameeyo hoggaanka ciidanka. Haddaba maxaa kala gudboon saraakiishii uu ku eedeynayay in ay siyaasadda ku milmeen, isagana maka baaqsan doonaa in ciidanka ay sidaasi noqdaan inta uu xukunka hayo?. Waxaan su’aalahaasi hordhignay qabiir dhanka amniga ah.

Dadka falanqeeya siyaasadda gobolka ayaa is weydinayaa suurtagalnimada in madaxweyne Xasan Sheekh uu dabagal ku sameyn doono taliyeyaashii ciidamada ee horraan siyaasadda ku milmay ama in kale? Xasan Sheekh wuxuu xilliggaas ka tirsanaa mucaaradka Soomaaliya, wuxuu kamid ahaa mas’uuliyiintii dhaliili jirtay dowladda Madaxweynaha xilka ka degayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xasan Sheekh oo horraan kamid ahaa mucaaradka Soomaaliyaa ayaa waxaa si weyn loo hadal hayay ‘dignintii uu siiyay’ , isaga oo si gaar ah ula hadlayay taliyaha haatan ee gobolka Banaadir Farxaan Qaaroole kaas oo markaas uun loo magacaabay xilkaas kadib markii taliyihii ka horeeyay Saadaq John uu kasoo horjeedsaday go’aamaddii muddo kororsiga.

Madaxweynaha cusub waxaa laga sugayaa marka uu soo dhiso xukuumaddiisa in uu soo magacaabo taliyeyaashaa ciidamada qaar sida ciidanka sirdoonka iyo nabad sugidda.

‘Ciidamadii horey siyaasadda ugu milmay’

Samiira Qeyd oo ka faaloota amniga gobolka ayaa BBC u sheegtay in madaxweyna cusub uusan wax dabagal ah ku sameyn dooniin saraakiishii ciidamada ee la sheegay in siyaasadda ay ku dhex milmeen.

“Uma maleynayo in ciidamada wax laga qaadi doono, madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu khudbaddiisa ku sheegay aarsi ma jiri doono, waxyaabo dabaglkooda muhiim ma ahan, hadda waxaa loo baahan yahay in la isku keeno dadkii kala tegay marka hore waa in soo dhiso xukuumaddiisa markaas baa taliyeyaasha wax laga baddali karaa”

Waxay intaas ku dartay in taliyeyaasha ciidamada aanan dusha laga saari karin wax eed ah maadama ay qaateen amarka madaxdooda.

“Taliyeyaashii hore uma maleyn maayo in eeda dusha laga saari karo, waxay ahaayeen ciidan amar la siiyay oo qaatay amarkii madaxdooda, ma umaleynayo in dabogal dheeraad ah lagu sameyn doono ciidamadii siyaasadda ku milmay waa in ciidamada isbaddal lagu sameeyo, xuquuqdana la dhowraa”

“Madaxweynaha la doortay qofka uu soo magacaabo waxay ku xiran tahay madaxweynaha dhaqankiisa hadduu isaga ciidanka u isticmaalo in uu Shabaab kula dagaallamo in uu waddanka ku xoreeyo ama in dib u habeyn lagu sameeyo ciidamada, isaga dhaqankiisa ayaa laga arki doonaa laakiin hadduu ciidamada u isticmaalo siyaasadda dhaqankiisana haddii ay sidaas noqoto, waa suurtagal qofka la magacaabo in uu qaato amarka madaxda magacaawday” ayay tiri Samiira.

Dib u habeynta ciidamada

Madaxweyne Xasan Sheekh oo horey uga hadlay arrimaha ciidanka ayaa sheegay in ciidamada qaar aysan lahayn sharci ay ku dhisanyihiin iyo waxyaabo kala xadeeya, loona baahanyahay dib u habayn badan.

Qeybo badan oo kamid ah deegaannada dalka waxaa gacanta ku haya ururka Al Shabaab, mar kasta waxaa weeraro iyo qaraxyo ay geystaan Shabaab. dalka waxaa ku sugan ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS kuwaas oo ilaaliya goobaha muhiimka ee dowladda, sida Tendhaha Afisyoone oo ay doorashada ka dhacday.

Samiira Qeyd waxay qabtaa in shaqada ugu culus ee hortaalla madaxweynaha ay tahay dib u habeynta ciidamada.

“Dib u habeynta ciidamada oo muddo labo sano aan wax laga qaban, waa in uu dib u habeyntii bilaabo si uu kooxdii joogtay uu kala kaashado wixii la qabtay oo uu ogaado wixii laga qaban laha..waxaan u maleynayaa in dib u habeynta ciidamada ay tahay shaqada ugu culus ee hortaalla madaxweynaha cusub”

Madaxweynaha cusub waxaa horyaalla caqabaddan, waxaana laga doonayo in uu wax ka qabto amni darrada ka jirta dalka.

Dalalka beesha caalamka waxay dowladda Soomaaliya ka taakuleeyaan dib u dhiska iyo qalabeynta ciidamada Soomaaliya.

Britain ayaa magaalada Baybdho ka bilowday barnaamij ay ku tababareyso ciidammada qaranka Soomaaliya.

Maraykanka wuxuu tababarayaa oo uu qalabaynayaa ciidmada Danab halka Turkiga uu isagana wado tababaridda sarakiisha ciidanka soomaliya.

Madaxweynahan cusub waxaa hor taalla shaqadan si loo helo ciidamo qaran oo si buuxda ula wareego gacan ku heynta amniga Soomaaliya, taasoo waddada u xaarta in hawolgalka ATMIS la soo gabgabeeya.

Saraakiisha xildhibaanada noqday

Saraakiishii ciidamada amniga intooda badan ee lagu eedeynayay ku milanka siyaasadda iyo hawlgalada siyaasadda la xiriira ayaa ku biiray baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Taliyeyaasha qaar sida taliyaha NISA iyo kan Asluubta ayaa sidoo kale ku biiray baarlamaanka, waxaana hadda Xasan Sheekh laga sugayaa in uu mas’uuliyiin cusub u magacaabo hay’adahaasi.