Kalluumaysato sabool ah oo heley cambarka nibiriga oo qiimihiisu gaaraya $1.5 milyan oo doolar

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waa sheeko ku saabsan sida nibiri kusoo caariyay badda uu wax weyn uga baddalay nolosha koox kalluumeysto ah oo ku nool mid ka mid ah dalalka ugu saboolsan adduunka.

Kalluumeysatadan waxay ka howlgalaan xeebaha dalka Yemen waxay heleen cambar kadib markii ay arkeen nibiri dhintay oo dul sabbeynayo xeebaha dakaas.

Cambarkan ayaa qiimihiisa lagu qiyaasay $1.5 milyan oo doolar, waxay tallaabadan u horseeday inay ka baxaan noloshii faqriga aheyd ay ku jireen.

Kalluumeystadan waxay gaarayaan ilaa 35, waxay maanta ku faraxsan yihiin inay si deg deg ah ay dhaqaalahaa intaa la eg uga sameeyaan wax inta badan ay baadi goobaan oo si kadis ah ay ku heleen.

Aad ayaan ugu faraxsanahay, xitaa kama sheekeyn karo darenkeyga, Allahii cambarkan na siiyay Allaha ayaa mahadleh” ayay yiraahdeen kalluumeysatad.

Kooxdan waxaa cambarka kusoo wargeliyay nin kallumeysato ah oo ku sugnaa xeebaha Seriah, waxay markii ku ordeen nibiriga oo dul sabeynayo xeebaha Gacanka Cadan ee koonfurta Yemen.