Kalluumeeysato ku geeriyootay xeebaha Jubada Hoose.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Shan qof oo kalluumeeysato ah ayaa ku geeriyooday xeebaha Gobolka Jubada Hoose kaddib markii ay la qallibantay doon ay saarnaayeen oo dabeeylo ku dhufteen.

Wasiirka Kalluumeysiga Jubaland, Cabbaas Cali Ibraahim ayaa sheegay in dabayshu ay ridday 11 doonyood oo nooca kalluumeysiga ah, kuwaas oo ka jillaabanayay xeebaha Gobolka.

Wasiir Cabbaas ayaa sheegay in shilkaas ay ku dhinteen shan ruux oo kalluumeysato ah, kadib markii ay rogmadeen doonyihii ay wateen dadkaas.

Wasiir Cabbaas Cali Ibraahim ayaa ugu baaqay dadka ku nool xee

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in ay dabeylaha sidoo kale burburiyeen Guryo ku yaal Xaafada Calaleey ee magaalada Kismaayo, kuwaas oo xigay dhinaca Badda, balse aan wax khasaaro ah ka dhalan.baha Gobolka Jubada Hoose, in ay taxaddar dheeriya ka muujiyaan dabaylaha xooggan ee ka jira xeebta.

dabeylahan ku dhuftay doontan ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmihii dambe ay soo baxayeen digniin loo jeedinayo kalluumeysatada iyo dadka ka degan dhul-xeebeedka.