Kaniiniga paracetamol-ka oo la ogaaday inuu hoos u dhigo awoodda raganimada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Daraasad cusub oo shaaca laga qaaday ayaa lagu sheegay in kiimikooyin dhowr ah oo soo gala jirkeenna, sida maaddada bisphenol A (BPA) iyo sunta dioxin, kuwaasoo ku jira waxyaabaha aan sida joogtada ah u isticmaalno, ay sababaan inay hoos u dhacdo tayada awoodda raganimada.

Cilmi baaristan, oo lagu daabacay Majalladda “Environment International”, ayaa lagu baaray ilaa 9 kiimiko oo sidoo kale uu ka mid yahay xanuun baabi’iyaha sida wayn loo isticmaalo ee paracetamol-ka.

Waxaa kale oo kiimikooyinkan ku jira maaddada phthalate ee loo adeegsado jilcinta waxyaabaha ay ka mid yihiin caagagga biyaha lagu shubto.

Khubarada ayaa sheegay in isku darka kiimikooyinka ay ka kooban yihiin walxahan ay saamayn ku yeeshaan habka ay u shaqeeyaan unugyada taranka ragga ayna yareeyaan awoodda shahwada.

Daraassaddan, oo markii la sameynayay la isticmaalay kaadi laga qaaday 98 nin oo ay da’doodu u dhaxayso 18 ilaa 30 sano oo ku nool dalka Denmark, ayaa lagu ogaaday in kiimikada ugu halista badan ay tahay maaddada BPA oo loo isticmaalo qalab badan oo ay ka mid yihiin caagagga biyaha lagu shubo, caanaha warshadeysan iyo konteenarrada yar yar ee raashinka lagu qaato.

Waxay saynisyahannadu hoosta ka xariiqeen in arrintani ay kusii darsantay cudurrada ku imaada galmada oo muddooyinkii dambe aad u batay.

Daraasadda ugu dambaysay oo ay isbuucii lasoo dhaafay daabaceen dhakhaatiir iskaashaday oo ka kala socday UK iyo Denmark, ayaa muujisay in kiimikooyinka saamaynta ku yeesha unugyada taranka ay hadda yihiin waxa ugu wayn ee walaaca keenaya.

Sida uu qoray wargayeska “The Guardian”, Barfasoor Andreas Kortenkamp oo ka tirsan Jaamacadda Brunel ee waddanka England, oo daraasaddan ka shaqeynayay tan iyo markii la billaabay, ayaa sheegay in natiijada ay ahayd mid lama filaan ah, ayna aad ula yaabeen khatarta ay leeyihiin kiimikooyinka la baaray.

Natiijo aan la isku wada raacsanayn

Dhammaan khubarada ku xeel dheer cilmigan iskuma wada raacsana natiijada kasoo baxday daraasaddan cusub ee la shaaciyay.

Waxaa jira qaar aan la dhacsanayn, oo sheegay in hoos u dhaca tayada taranka ragga ay sabab u yihiin waxyaabo kale oo aan ahayn kiimikooyinka lagu xusay daraasadda.

Kuwo kalena waxay sheegeen in kiimikooyinka liiska daraasadda ku jira ay yihiin kuwo xaddidan oo ka yar tiradii loo baahnaa in la baaro.

Intaas waxaa sii dheer inaan ilaa hadda la ogayn inta ay la egtahay khatarta ay dumarka ugu jiraan kiimikooyinka loogu kuur galay daraasaddan.

BBC