Kaniiniga ‘VIAGRA’ oo dhibaato badan ku haaya Puntland iyo Baarlamaanka oo ku baaqay in la joojiyo

GAROOWE-AYAAMAHA-Jaamac Faarax Xasan oo ah Wasiirka caafimaadka Puntland oo ay wehliyaan Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Sayid Cumar Guulleed oo hortegay baarlamaanka maamulkaasi ayaa la weydiiyay su’aallo ku saabsan badqabka caafimaad iyo daawooyinka dalka lasoo geliyo.

Baraha Bulshada ee Soomaalida isticmaasho ayaa shalay ilaa xalay waxaa ka taagnaa dood adag oo la xiirta arrintaan, iyadoo kaniinigan dadka qaata babadaa ay qarsanadaan oo aan si toos ah qofka u shaacin marku ka iibsanaayo goobta caafimaadka.

Xildhibaano dhowr ah ayaa wasiirka caafimaadka ka dalbaday in la joojiyo isticmaalka kaniiniga loo isticmaalo xoojinta galmada ee VIAGRA, iyagoo xildhibaanada daliishaday halis badan oo kaniinigaasi u keenay muwaadiniin badan, qaarkoodna ay u dhinteen markii ay isticmaaleen.

Dalal badan oo caalamka ah, oo Soomaaliya ay ku jirto waxaa la geeyaa kaniini VIAGRA oo been abuur ah oo aan aheyn kan saxda, taasi oo halis dhalisa.

Xildhibaanada doodaan soo jeediyay ayaa sheegay in dawooyinka qaar ay leeyihiin halis caafimaad oo ka badan faa’iidooyinka ay leeyihiin.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan ayaa sheegey inay baaris ku sameynayaan iyo hubin daawooyinka loo isticmaalo galmada, iyo kuwa kale, isagoo sheegay haddii ay cadaato arrintan inay qaadi doonaan talaabada ku haboon.

Kaniiniga VIAGRA oo dhowr siyaabo loo isticmaalo wuxuu qeyb ka qaataa xoojinta quluqla iyo wareega dhiiga qofka, dhiiggaas oo xubinta taranka u baahan tahay si ay awood u yeelato.

Caadiyan wax dhibaatoa ah kuma sugna isticmaalkan kaniinigan marka dhaqtar uu qoro, loona qaato sida saxda ah, hase yeeshee dalal badan waxaa haystaa dhibaato ah in dadku qaataan ayaga oo aan dhaqtar siin, taasi oo keentay inay adeegsadaan xaddi ka badan kii ay u baahnaayeen.