Kenya oo ciidamo farabadan soo dhoobtay xadka, kadib markii cabsi soo wajahday..

KISMAAYO-AYAAMAHA-Dowladda Kenya ayaa feejiganaan dheeri ah gashay kadib  weeraro Al-Shabaab ka geysateen Gudaha Dalkeeda gaar ahaan deegaannada dhaca xadka ay la wadaagto Soomaaliya maalmaha dhammaadka sanadka.

Kenya ayaa ujeedka ciidamada ay u geysay xadka ku sheegtay sugidda Nabadda maalmaha dhammaadka sanadka oo maalmaha ciida gaalada ku aadan islamarkaana gaalo badan ay dalkaasi u dalxiisi tagi doonaan  waana waqtiga ugu badan ee dhaqdhaqaaqa ay sameeyaan dadka kiristanka ah.

Ciidamo Booliis ah & kuwa ilaalada maxaabiista ayaa la isugu geeyay mid kamid ah xeryaha ciidamada Kenya si loogu kala qaybiyo talisyad kala duwan ee howlgallada xooggan sameynaya sida uu sheegay Taliyaha Ciidamada Booliiska Kenya.

Kenya waxa ay diiradda saareysaa nabadgalyada iyo dhaqdhaqaaqa xadka ay la wadaagto Soomaaliya oo ah meelaha ugu badan Xukuumadda Nairobi sheegtay in ay ka gudbaan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Gaadiidka isaga kala gudba ismaamullada ayaa si feejigan waddooyinka looga hubinayaa si aanay Al-Shabaab ugu sameyn weeraro jid ah sida dhacday marar badan, Basaska waxaa la xoojinayaa ilaalada la socota.

Culeyska ugu weyn Kenya waxa uu sidoo kale kasoo wajahayaa ilaalinta Soohdinta Uganda oo qaraxyada ku kordheen, halka Kampala ay Nairobi ku eedeeysay in kooxaha weerarada dalkeeda ka geysanaya ay dhankooda uga soo gudbeen.