Kenya oo ka jawaabtay go’aankii ay Soomaaliya ku ceyrisay safiirkeeda

Dowladda Kenya ayaa jawaab kooban ka bixisay go’aankii ay dowladda federaalka Soomaaliya ku ceyrisay safiirkii Kenya ee Muqdisho, uguna yareetay midkii Soomaaliya ee Nairobi.

Go’aanka Soomaaliya ayaa yimid ayada oo dowladda federaalka ay Kenya ku eedeysay inay faragelin qaawan ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya, isla markaana ay madaxweynaha Jubaland la kaashaneyso sidii ay u fashilin laheyd heshiiskii doorashada.

Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, Macharia Kamau ayaa u sheegay wargeyska Daily Nation in Nairobi “ay ka xun tahay” go’aanka ay dib ugu u yeeratay safiirkeeda, wuxuuna ballan-qaaday in labada dal ay arrintan uga wada-hadli doonaan hab diblomaasiyadeed.

“Waxaan arrintan uga jawaabi doonnaa marinnada rasmiga ah, sida ugu dhaqsiyaha badan,” ayuu yiri Mr. Kamau.

Go’aanka Soomaaliya ayaa yimid, ayada oo saraakiisha dowladda Kenya ay dhowaan muujinayeen inay doonayaan in Soomaaliya kala hadlaan ganacsiga, iyo fududeynta dhaq-dhaaqyada shacabka, xilli Soomaaliya ay mamnuucday jaadka Kenya.

Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya Maxamed Cali Nuur oo ku dhowaaqay go’aanka Soomaaliya ayaa yiri “Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa u muuqata in dowladda Kenya ay si barer ah u fara gelineyso arrimaha gudaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, iyadoo cadaadis ku heysa madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe si uu u fuliyo qorshaheeda ku aaddan faragelinta iyo carqaladeynta heshiiskii siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya laga gaaray.”