Kenya oo ku dhawaaqday in si deg deg ah dib ugu fureysa Safaaradeedeeda Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibbada Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay dib ugu furayaan Xaruntooda Safaaradda ay ku leeyihiin Muqdisho, isla markaana ay dib u bilaaban doonaan shaqooyinkii hakadka ku jiray.

Kenya ayaa Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Axmed Nuur Tarsan ku martiqaaday inuu dib ugu laabto Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka, dibna uu bilaabo shaqadiisa Safiirnimo ee uu ka haayay halkaas.

Sidoo kale Wasaarada Arimaha Dibbada Kenya ayaa tilmaamtay in dib usoo celinta xiriirka u dhaxeeya labada dal uu yahay mid wanaagsan, kadib markii dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday inay dib u soo celineyso xiriirkii xumaaday.

Kenya ayaa duulimaadyada Soomaaliya hakisay muddo saddex bilood ah 11-kii May, hase yeeshee waxay ka reebtay duulimaadyada caafimaad, kuwa diblomaasiyadeed iyo kuwa gargaarka bani’aadannimada.

Tilaabadan, ayaa ka mid hanaanka lagu soo celinayo xariirka diblumaasi ee labada dal.

Waxa ay sidoo kale tilmaamtay in xiriirka labadal lagu soo celin doono sidii loogu tala galay.