Kenya oo ku hanjabay in ay joojin doono duulimaadyada hay’adaha QM ee bani’aadannimo.

NAIROBI-AYAAMAHA-Dowladda Kenya ayaa uga digtay hay’adaha QM, Ururada Caalamiga ah iyo Howlgallada Diblomaasiyadeed inay joojin doonto dhammaan duulimaadyada Soomaaliya.

Kenya ayaa duulimaadyada Soomaaliya hakisay muddo saddex bilood ah 11-kii May, hase yeeshee waxay ka reebtay duulimaadyada caafimaad iyo kuwa gargaarka bani’aadannimada.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya oo qoraal cusub soo saartay ayaa ku eedeeysay hay’adaha QM, Ururada Caalamiga ah iyo Howlgallada Diblomaasiyadeed inay si qaldan u adeegsadeen fasaxii la siiyey, oo ay arrimo siyaasadeed u adeegsadeen duulimaadyada, kuna xadgubeen ogeysiiska lagu joojiyey duulimaadyada.

Wasaaradda ayaa uga digtay hay’adahan in duulimaadyada bani’aadannimo ay tahay in loo adeegsado arrimo bani’aadannimo oo kaliya, haddii kale ay gebi ahaan joojin doonto duulimaadyada Soomaaliya

Sarkaal Soomaali ah oo magaciisa qariyey waxa uu arrintan ku tilmaamay tallaabo ay Kenya ku cadaadinayso diblomaasiyiinta, inkasta oo uusan bixin faah-faahin