Kenya oo Safiirka cusub u soo magacaabatay Soomaaliya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac, ayaa xafiiskiisa Wasaaradda kaga guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo Safiirka Jamhuuriyadda Kenya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Jeneraal Thomas Chepkuto.

Intii lagu guda-jiray kulanka, Wasiirka Arrimaha Dibadda waxa uu soo dhoweeyay Safiirka cusub ee Kenya ee dhowaan la soo magacaabay, isagoo u rajeeyay inuu ku guuleysto howsha loo igmaday.

Sidoo kale Wasiirka ayaa  tilmaamay muhiimadda ay leedahay in hore loo dhaqaajiyo iskaashi wadaagga ka dhexeeya labada dal ee deriska, iyadoo laga ambaqaadayo aragtida ballaaran ee ka shaqaynaysa dano wadaagga. Wasiirku waxa uu hambayo u mariyay Safiirka Madaxweynaha la doortay ee Kenya, Mudane William Ruto.

Dhankiisa, Danjire Thomas Chepkuto ayaa carabaabay sida uu ugu faraxsanyahay qaabiladda uu u sameeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda, isagoo ku nuux-nuuxsaday sida dalkiisu ugu faanayo xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya, kuna dadaali doono sare u qaadiddiisa si ay ku jirto rabitaanka labada dal iyo labada dad ee saaxiibada ah.