MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka beeraha Kenya Peter Munya ayaa sheegay in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu aqbalay inuu qaado xayiraadihii uu dalkiisa saaray qaadkii ka imaan jiray Kenya.
Wuxuu sheegay in wadaxajoodyada arrintaa ku aaddan la soo afjaraya dhawaan, laba isbuuc kadibna la saxiixi doono heshiis rasmi ah.
Peter Munya ayaa uga mahadceliayay maxadweyne Kenyatta oo arrintan wadahadal kala yeeshay dhigiisa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Uhuru Kenyatta ayaa ka mid ahaa madaxweynayaashii ka qeybgalay xafladdii caleemasaarka ee Xasan Sheekh ee shalay ka dhacday magaalada Muqdisho.
Dowladdii Farmaajo ayaa hakisay duulimaadyada qaadka ee Kenya sanadii 2020-ka sababa la xiriira Covid19, balse xayiraadaasi Ayaan la qaaday iyadoo ay jireen khilaaf dhinaca diblomaasiyadda oo u dhexeeyay labada dal.
Munya ayaa ka dalbaday ganacsatda qaadka inay is diyaariyaan madam loo furi doono suuqa Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in Soomaaliya loo oggolaan doono in kalluunka ay suuqgeyso Kenya.