Keydkii hubka ee Al-Shabaab lahaayeen oo lala wareegay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamada Xoogga Dalka, Ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo Dadka deegaanka ayaa weeraray fariisimo ay Khawaarijtu ku sugnaayeen oo ka yeella deegaanka Qaycad ee Gobalka Mudug.

Dagaalka oo socda ilaa hadda ayaa Khawaarijta looga dilay in ka badan 20 Maleeshiyaad ah waxaana laga furtay Hub kala duwan oo isugu jira Qoryaha culus iyo kuwa fudud sida uu warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay Gen Biixi.

Ciidamada Huwanta ah ayaa Khawaarijta ka saaray dhul balaaran oo u ahaa Dhufaysyo ay ka dhex qoteen Dhulka Hawdka ah,

Hawlgalkaan ayaa ah mid wali socda laguna baacsanayo Firxadka Khawaarijta ee isku dayaya in ay isku qariyaan Dhulka hawdka oo ah ka qotteen godad.