Khadar Xariir oo labo jeer la diiday doorashadiisa oo markii 3aad gacan taag lagu doortay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa goordhow ka dhacday doorasho gacan taag ah taas oo lagu doortay guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Soomaaliland.

Khadar Xariir Xuseen ayaa markii 3aad loo doortay Guddoomiyaha Guddiga doorashada Somaliland ee weli hannaankeeda uu muran ka taagan yahay, iyadoo ay maqan yihiin xubnaha garabka kale ee ka socday Cabdi Xaashi.

Doorasho goordhow ka dhacday Afisyooni oo ay goobjoog ka ahaayeen 7 xubnood oo ay ku jireen saddexdii xubnood ee Ra’iisul Wasaaraha soo magacaabay ayay iska dhex doorteen Guddoomiye.

Khadar ayaa Cod gacan taag ah ku noqday Gudoomiyaha guddiga doorahada Gobolada Waqooyi kadib markii uu tanuusaalay Maxamed Cabdulahi Jirde oo la tartamayey iyadoo ay doorashadan ka dhacday Teendhada Afisyooni.

Khadar waxaa uu ka mid ahaa xubnihii cabashada laga gudbiyay ee la sheegay inuu ka tirsanaa Hey’adda Qaxootiga Qaranka, inkastoo dib ugu soo laabtay.