Khasaare ka dhashay rasaas ciidanka booliska Boosaaso ay fureen.

GAROWE-AYAAMAHA-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee xaruunta Gobolka Bari ayaa waxaa uu sheegayaa in hal qof oo dhallinyaro ah uu ku dhintay mid kalena uu dhaawacmay aga-gaarka daarta Gaaca kaddib rasaas uu furay askari ka tirsan Booliska Puntland.

Booliiska gobolka Bari oo dhacdadan xaqiijiyey  ayaa sheegey in ay xabsiga dhigeen askarigii falka gaystay.

Laamaha Amniga ayaa sheegay in falkaasi uu ku dhacay si kadis ah,islamarkaana dhalinyarada dhaawacantay ay caafimaad u rajeynayaan.

“Booliiska gobolka Bari waxa uu tacsi la wadaagayaa ehelada iyo qaraabada uu ka dhintay marxuum Ayaanle Jamac Cumar oo caawa askari ay kaga dhacday xabbad, waxaana uu sidoo kale Caafimaad u rajeynayaa inuu ka soo kabto dhaawaca soo gaaray Bishaar Cali Cawad oo marxuumka la socday” ayaa lagu yiri qoraalka kaso baxay Booliiska.

Booliska ayaa sidoo kale yiri“Ciidanka Booliiska waxay qabteen askarigii falkaas geystay waxaana socoda baaritaanka dhacdadan, wixii faahfaahin ah waxaan idiin gudbin doonaa marka baaristu dhamaato insha allah”.