Khasaaro Dhashay Weerar Lagu Qaaday Ciidamo Kenyan Ah

KISMAAYO-AYAAMAHA-Ciidamo ka tirsan Milateriga iyo kuwa Booliska dowladda Kenya ayaa lagu qaaday weerar xoogan oo ka dhacay deegaan hoostega Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalkaas.

Weerarka oo ahaa mid dhabba-gal ah ayaa waxaa Kolonyada Ciidamada Kenya ku qaaday xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab, xili ay socdaal ku marayeen deegaanka Buulo Laban ee duleedka Ceelqaaloow.

Al-shabaab oo ka hadashay weerarka ayaa sheegtay in Ciidanka Milateriga iyo kuwa Booliska Kenya weerarka looga dilay Askar, halka kuwo kalena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo loola cararay Xarun Caafimaad.

Sidoo kale Shabaabka ayaa waxaa ay intaas kusii dareen in weerarka lagu gubay gaari nooca xamuul ah oo u rarnaa ciidamada oo ku socdaalayay wadada deegaanka Buulo Laban ee duleedka Ceelqaaloow ee Magaalada Mandheera.

Al-shabaab inta badan weerar ku qaada ciimadan kenya ee ku sugan gudaha soomaaliya iyo waqooyi bari ee kenya, waxayna weerarada ay geystaan khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.