Khasaaro ka dhacay ciidamada dowladda oo rasaas ku furay arday galaysay imtixaanka shahaadiga.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamo katirsan Booliska Dawlada Soomaaliya ayaa maanta waxay rasaas ku fureen arday imtixaanka ka qeyb galeysay dugsiga sare ee shahaadiga oo ay Dawlada Qaadeysay.

Ciidamada amniga ayaa waxay waardiye ka hayeen iskuulka oo imtixaanka lagu qaadayey kadib markii ardayda qaar oo wakhtigii caadiga ahaa kasoo daahay ay damceen in darbiga ka boodaan.

Goob joogayaasha waxay sheegeen in ciidamada booliska ee halkaasi kusugnaa ay rasaas kufureen ardayda soo daahday iyadoo 3 ka mid ah ardayda ay dhaawacyo soo gaareen.

Falkaan waxa uu ka dhacay Iskuulka Macalin Jaamac Ee Degmada Xamar weyne,waxaana qaarkood ardayda banaanka lagu celiyey ay sheegeen in meelo fog fog ka yimaadeen oo ay jidadkana ka xirmeen,sidaas awgeedna ay codsanayaan in wakhtiga loogu daro.

Ma jirto war kasoo baxay Taliska booliska oo looga hadlayo arinta maanta ka dhacday degmada Xamr weyne ee ciidamada amniga arday imtixaanka fasalka dugsiga sare Form 4-ka galayey lagu rasaaseeyey.