Khasaaro ka dhashay ciidamo katirsan AMISOM oo qarax lala eegtay

Ugandan soldiers of African Union's peacekeeping mission in Somalia (AMISOM) search for explosive devices next to their base in Ceeljaale, southern coastal Somalia, on September 19, 2019. (Photo by Tina SMOLE / AFP) (Photo credit should read TINA SMOLE/AFP via Getty Images)

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamo katirsan Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sida la sheegay Qarax lagula eegtay Meel aan ka fogeeyn deegaanka Kambooni oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Goobjoogeyaal ayaa shegay in Qaraxyadaani  ahaayeen miinada nooca dhulka lagu Aaso kuwaa loo la’la eegtay Gawaari ay saarnaayeen Ciidamada ka tirsan kuwa Kenya oo Biyo dhaamin ugu socday deegaanka Kambooni, Waxaa Inta ka xaqiijiyay ku dhaawacmay ilaa 7 Askari.

Ciidamadda ayaa lashegay in Qaraxyada markii lala eegtay kadib ay fureen rasaas farabadan, waxaana soo tabiyay in wax khasaare ah aysan geeysan Rasaastaasi.

Dagaalamayaal Ka tirsan Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxyadaas, iyagoona sheegtay inay gubeen mid kamid ah Gaadiidka Ciidamada Kenya, Inkastoo weli qaraxyada lala eegtay Ciidamada Kenya ee katirsan Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM aysan ka hadlin Saraakiisha Ciidamada Kenya.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Ciidamada Qaraxa lala eegtay ay sii wateen Socdaalkooda, Waxaana Xusid Mudan in Qaraxo nucaan oo kala ah marar badan lala eegtay Ciidamadda Kenya.