Khasaaro ka dhashay diyaarad lagu rasaaseyey Garoonka Diyaaradaha laas-Caanood

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararka naga oo gaaraya Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in laba maleeshiyo ay saaka isku rasaaseeyeen Garoonka diyaaradaha Magaaladaas.

labada maleeshiyo ee hubeysan ee is rasaaseysay ayaa ilaalo u ahaa dad ka ganacsada Jaadka, waxaana ay isku khilaafeen diyaarad jaadka Mirowga saaka ka keentay dalka Kenya oo Garoonka magaalada laas-Caanood kasoo degatay.

Inta la xaqiijiyay is rasaaseynta ayaa waxaa ku dhaawacantay Afar Ruux, kuwaas oo la geeyay Isbitaalka weyn ee Magaalada laas-Caanood si loogu daaweeyo.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in laamaha Amniga Somaliland ee Magaalada laas-Caanood ay kala dhex-galeen dhinacyadii dagaalamay, iyada oo xaaladda hadda ay tahay mid sideedii kusoo laabatay.