Khasaaro ka dhashay hoobiyeyaal kusoo dhacay qaar kamid ah degmooyinka gobalka Banaadir

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Tiro hoobiyaal oo saakay ku dhacay degmooyinka kala ah Xamar weyne, Shangaani, iyo Boondheere ee gobolka Banaadir.

Goobjooge ayaa waxaa uu sheegay in Saddexda qof ee geeriyootay laba kamid ah dhaawacooda oo aad u cuslaa ay Isbitaalka ku geeriyoodeen, halka qofka kale Isla goobta uu hoobiyaha kusoo dhacay uu ku geeriyooday.

Sidoo kale hoobiye ku dhacay Guri kuyaalla agagaarka Iskuulka Wiilwaal ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa Afar Ruux, halka agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon uu ku dhacay Hoobiyaha Saddexaad, kaas oo aan qarxin.

Meelaha qaar ayaa laga soo sheegaya in ay jiraan dhaawacyo dadka soo gaaray, sida ay goobjoogayaal u sheegeen.

Laamaha ammaanka Dowladda Federaalka ayaan weli ka hadlin weerarka Madaafiicda