Khasaaro ka dhashay qarax lala beegsaday Ciidamada howlgalka ATMIS

Ugandan soldiers of African Union's peacekeeping mission in Somalia (AMISOM) search for explosive devices next to their base in Ceeljaale, southern coastal Somalia, on September 19, 2019. (Photo by Tina SMOLE / AFP) (Photo credit should read TINA SMOLE/AFP via Getty Images)

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamo katirsan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa Maanta qarax lagula beegsaday Isgoyska Cali Kamiin degmada Wartanabadda ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu Aaso oo meelaha fogfog laga hago ayaa goobjoogayaasha waxaa ay sheegayaan in qaraxa uu haleelay mid kamid ah Gaadiidka Ciidamada, isla markaana uu jiro khasaaro dhaawac ah oo Ciidamada iyo dad Shacab ah kasoo gaaray qaraxa.

Sidoo kale qaraxa kadib ayaa Ciidamada ATMIS waxaa ay fureen rasaas farabadan, taas oo aan weli la xaqiijin khasaaraha kasoo gaaray dadka Shacabka ah, waxaana muddo saacado ah ay Ciidamada ATMIS hakad geliyeen isku socodka dadka iyo Gaadiidka ee Isgoyska Cali Kamiin.