MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamo katirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxaa qarax lagula eegtay wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho & degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka la dhigo oo meelaha fog fog laga hago ayaa jugtiisa laga maqlay meelo kamid ah duleedka Magaalada Muqdisho waxaana lala beegsaday Kolonyo katirsan Ciidamada AMISOM xilli ay marayeen deegaannada Lafoole iyo Xaawo Cabdi oo dhaca duleedka Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.
Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda qaraxa ayaa waxaa ay sheegeen in ay qaraxa la heleen mid kamid ah Gawaarida Xamuulka qaada oo ay wataan Ciidamada AMISOM, sidoo kalena ay ku dileen hal Askari oo la socday gaariga qaraxa lala beegsaday.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa kadib Ciidamada AMISOM ay fureen rasaas farabadan, balse aysan jirin dad ku waxyeeloobay, isla markaana Ciidamada AMISOM ay muddo kooban hakiyeen isku socodka dadka iyo Gaadiidka inta u dhaxeysa degaannada Lafoole iyo Xaawo Cabdi ee duleedka Magaalada Muqdisho.