Khasaaro ka dhashay shil qabsaday dhallinyaro u socotay Xaflad Qalin-Jebin.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa uu saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka Magaalada Wajaale ee Gobolka Gebilay ee Somaliland, waxaana kasoo baxaya faah faahino dheeraad shilkaas dhacay.

Wiilka dhalinyarada ah ee ku dhintay shilkii ka dhacay duleedka Wajaale ayaa waxaa la sheegay in laba bil kahor uu kamid yimid Liibiya, waxaana Wiilka iyo labada gabdhood ay u socdeen xaflada qalin-jebinta Jaamacadda mid kamid ah gabdhaha dhaawacmay.

Dad la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in shilkaan gaari uu yimid, kadib markii ay gaari nooca raaxda ah oo ay saarnaayeen saddex ruux uu ku dhacay gaari oo weyn, xili ay iskaga horyimideen duleedka Magaalada Wajaale ee Somaliland.

Degaano iyo degmooyin ka tirsan Somaliland ayaa waxaa marar kala duwan oo horey uga dhacay shilal sababay dhimasho iyo dhaawac oo waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah oo saarnaa gaadiidka shilalka galay.