Khasaaro ka dhashay weerar Al-shabaab ku qaadeen dowlad degaanka Soomaalida

AL-SHABAAB IYO Baraawe
AL-SHABAAB IYO Baraawe

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Ururka Alshabaab ayaa weerar ku qaadey saldhigyo ciidan oo ay lahaayeen ciidamada Liyuu Booliska dawlad deegaanka Soomaalida, saldhigyadaasi oo ku yaallay degmooyinka Aato iyo Yeed ee gobolka Bakool, dalka Soomaaliya.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Xubno kamid ah Al-Shabaab oo ka tallaabay xadka Somalia ay weerareen Saddex Goobood oo ay ku sugnaayeen Ciidamada dowlad degaanka Soomaalida ee liyuu Boolis.

Wararka laga helayo halkaasi ayaa sheegaya in Alshabaab ay la wareegtay saldhigyadii halkaasi ku yaallay, sidoo kale waxaa jira dhaawac iyo dhimasho uu weerarku sababay.

Magaalooyinkan uu weerarku ka dhacay ayaa ah kuwo ku teedsan xadka Soomaaliya iyo Itoobiya kuwaasi oo gacanta ugu jira Liyuu Boolis-ka DDS.

Maaha markii u horreysay oo weerar noocan ah Alshabaab ay ku qaadaan deegaannadan, balse sanandkii 2014kii ayay sidan oo kale weerar dhimasho badan sababay ku qaadeen.