Khasaaro ka dhashay weerar ay Al shabaab ka fuliyeen gudaha dalka Kenya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar khasaare dhimasho iyo dhaawacba sababay oo Axadii ka dhacay gobolka Waqooyi bari ee dalkaasi Kenya. Weerarkan oo ay geysteen xubno Shabaab ah ayaa ka dhacay inta u dhexeysa Jabibar iyo Bamboo oo dhacda waqooyiga magaalada Mandheera.

Kooxda ayaa rasaas ooda uga qaaday gaari Landcruiser ah oo marayay wadada Rhamo Ceel waar, waxaana weerarkaasi lagu dilay Aabbe iyo Wiilkiisa, halka lagu dhaawacay saddex ruux oo kale oo rakaabka gaariga kamid ahaa.

Gudoomiyaha degmada Mandheera Onesmus Kyatha oo xaqiijiyay weerarkan iyo khasaarihiisa ayaa sheegay in wadihii gaariga uu diiday inuu u istaago kooxdan Shabaabka ah, wuxuuna tilmaamay iney ku daba jiraan dableydii toogashadan fulisay.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xili la adkeeyay amniga gobolka Waqooyi Bari Kenya, waxeyna xukuumada Nairobi ka walaacsan tahay in Shabaabka laga soo eryayo gobolada dalka ay u tilaabaan dhinaca Kenya.