Khasaaro ka dhashay weerar ka dhacay Shabeellaha Hoose

AL-Shabaab oo weerartay Dhoobleey
AL-Shabaab oo weerartay Dhoobleey

BAYDHABO-AYAMAHA-Al-Shsbaab ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen Ciidamo katirsan kuwa Millateriga Soomaaliya oo marayay degaano hoostaga Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada dowladda ee la weeraray ay marayeen wadada u dhaxeysa degaannada Janaale iyo Buufow, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, kaas oo geystay dhimasho iyo dhaawac.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in weerarka ay ku dhinteen laba Askari oo kamid ah Ciidamada dowladda, waxaana dagaalka kadib ay Ciidamada iska sii wateen socdaalkooda, iyaga oo ka yimid degaanka Janaale kuna wajahnaa degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dhowr jeer oo hore ayaa Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Ciidamada dowladda oo howlgallo ka wada waddada u dhaxeeysa degaannada Janaale iyo Buufow ee Gobolka Shabeellaha Hoose.