khasaaro ka dhashay weerar lagu qaaday Degmada Buurhakaba

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada Koonfur Galbeed ku leeyihiin halka loo yaqaano Xerada Shiinaha, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Qaar kamid ah dadka kunool degmada Buurhakaba ayaa Risaala waxaa ay u sheegeen in dagaalka uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo kala gaaray dhinacyada dagaalamay.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid Al-Shabaab, isla markaana ay khasaaro xoogan gaarsiiyeen.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka kadib Ciidamada Koonfur Galbeed ay sameeyeen howlgallo ka dhan ah Al-Shaabab walow saraakiisha Ciidamada aysan shaacin waxyaabo ay kusoo qabteen howlgalka.