Khasaaro ka dhashay weerar qorsheysan oo Al-shabaab ka fulisay Balcad

AL-Shabaab oo weerartay Dhoobleey
AL-Shabaab oo weerartay Dhoobleey

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab oo xalay weerar khasaaro dhaliyey ku qaaday Bar koontarool oo Ciidanka dowladda Federaalka ay ku leeyihiin duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarka oo ahaa mid gaamdo ah ayaa waxaa lagu beegsaday bar koontarool oo ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin dhanka waqooyi ee degmadaasi, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Ragga weerarka qaaday ayaa la sheegay inay iska soo dhigeen shacab, islamarkaana ay soo raaceen gaari rakaab ah, kadibna ay rasaas ku fureen ciidamada ku sugnaa halkaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan lagu dilay ugu yaraan 6 askari, halka ay ku dhaacwacmeen tiro kale oo intaasi ka badan.

Inta la xaqiijiyay lix Askari oo kamid ahaa Ciidankii joogay Koontaroolka ayaa ku dhintay weerarkii ka dhacay duleedka degmada Balcad, halka Askar kalena dhaawacyo soo gaareen, iyadoona iska horimaad daqiiqado kooban socday uu dhexmaray labada dhinac.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in ragga hubeysan ee weerarka soo qaaday ay saarnaayeen gaari shacab ah oo markii ay tageen Koontaroolka mar qura rasaas xoogan ku bilaabay Ciidanka halkaas joogay, kadibna goobta isaga tageen dableyda.

Xaaladda ayaa saaka deggan, balse ciidamada ammaanka ayaa saaka dhaq dhaqaaqyo iyo howlgallo ka wada nawaaxiga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Balcad ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro qorsheysan iyo qaraxyo, waxaana ugu dambeeyey qaraxii miino ee todobaadkii hore ka dhacay maqaaxi ku taalla degmadaasi.