Khasaaro ka dhashay weerar qorsheysan oo Al Shabaab ka fulisay Gobalka Gedo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Kooxo hubeysan ayaa xalay gudaha degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ku dilay Sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa Ciidamada Maamulka Jubbaland, sida ay ku warramayaan wararka halkaas laga helayo.

Dableyda hubeysan ayaa weerar ku qaaday Guri uu degmada Baardheere ka deganaa Sarkaalka Ciidan, iyagoona dil u geystay, isla markaana waxaa goobta si deg deg ah uga baxsaday raggii ka dambeeyay falkaas dhacay.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxa  ku sheegteen in dagaalyahano hubeysan oo iyaga ka tirsan ay Guri ugu galeen Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Maamulka Jubbaland, kadibna ay dileen.

Magaca Sarkaalka ayey Shabaabka ku sheegeen Xasan Inyow oo kamid ahaa Saraakiisha Ciidan ee ku sugan degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, iyagoona tilmaamay in weerarka dhacay uu ahaa mid qorsheysan.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Jubbaland oo ay uga hadlayaan dilka loo geystay Sarkaalka lagu magacaabi jiray Xasan Inyow, waxaana xusid mudan in dhowr jeer oo horey Baardheere ay uga dhaceen weeraro ay geysteen Al-shabaab