Khasaaro xoog leh oo ka dhashay rasaastii dabaal dega guusha Madaxweyne Xasan Sheekh

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xalay ka hor inta aan la gelin codeynta wareega seddexaad ee doorashada Madaxweynaha oo Farmaajo iyo Xasan Sheekh Maxamuud iskugu soo hareen ayaa waxaa lasii ogaaday in Xasan Sheekh uu guuleysanayo.

Taas waxay ku timid ififaalaha laga dareemay hoolka doorashada oo Siciid deni iyo murashaxiinta Xasan Cali Kheyre iyo Shariif oo codkooda ugu shubay Xasan Sheekh Maxamuud.

Rasaas xoog leh ayaana bilaabatay oo dabaal deg ah gudaha xaafadaha Muqdisho oo ay ridayeen ciidamada Dawlada Soomaaliya,hase ahaatee waxay xoogeysatay rasaastu markii ay wareega seddexaad dhamaatay tirinta codadka oo laga war helay si qayaxan inuu guuleystay Xasan Sheekh Maxamuud.

Rasaasta ayaa mararka qaar hoos loo dhigayey taas oo sabab ka dhigtay in dad guryahooda kusugnaa ay ugu tagto iyagoo habow ah ama wiifto ah,waxaana jira khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Xaafado ka mid ah degmada hodan ku dhawaad 10 qof ayaa ku dhaawacmay rasaas siyaabo kala duwan ugu tagtay guryahooda,markii dabaal deggaasi hoos ciidanka ugu dhigayeen xabadaha.

Cusbitaalada Digfeer iyo Somali Sudanees ayaa la geeyey dad ubadan carruur oo dhaawacyada ay soo gaareen,iyadoo qaarkood ay xaaladooda culeys laga dareemayey raasata meelaha ay kaga dhacday awgeed.

Hal qof ayaa ku dhintay isla degmada hodan markii dhiig bax uu ku dhacay sida ay inoo xaqiijiyeen ehelada marxuumkaasi,waxaana laga digayaa in ciidanka ay rasaasta dabaal degga ah hoos ugu ridaan iyadoo la heli karay in kor loo rido.