Khasaaro Xoogan oo Ka dhashay Qaraxyo is-miidaamin ah oo ka dhacay garoonka diyaaradaha Kabul

Policemen keep watch as angry Afghan protesters burn tires and shout slogans at the site of a blast in Kabul, Afghanistan September 3, 2019.REUTERS/Omar Sobhani

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa laba qarax oo waa weyn oo ka dhacay banaanka garoonka diyaaradaha Kabul ee dalka Afghanistan, halkaasi oo ay weli ku sugan yihiin ciidamada Mareykanka iyo NATO.

Qaraxyadan ayaa waxaa xaqiijiyey afhayeenka Pentagon-ka Mareykanka John Kirby. Sarkaal kale oo Mareykan ah ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa is-miidaamin.

Sidoo kale, wakaaladda wararka Reuters ayaa kasoo xigatay mas’uul ka tirsan ururka Taalibaan in ugu yaraan 13 qof ay ku dhinteen qaraxa, oo ay ku jiraan caruur. Waxa uu sidoo kale sheegay in qaar ka mid ilaalada Taalibaan ay ku dhaawacmeen qaraxa.

Qaraxa ayaa yimid ayada oo ay jireen digniino ay bixiyeen ciidamada Mareykanka iyo NATO oo ku saabsanaa in qarax lala damacsan yahay garoonka, uguna baaqeen shacabka inay ka fogaadaan halkaas.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa kadib la arkay ugu yaraan hal qof oo hubeysan oo rasaas furaya.