Khasaaro xoogan oo ka dhashay weerar Al-shabaab ku qaaday degaan katirsan Galgaduud

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waaberigii hore ee saaka waxaa ay weerar ku billaawday qaraxyo ku qaadeen degaanka Baxdo oo katirsan Gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamada xoogaga Ahlusunna & kuwa degaanka ah.

Weerarka kadib ayaa waxaa dhacay dagaal xoog leh oo dhexmaray Ciidanka daraawiishta Galmudug, maleeshiyaad is abaabulay oo deegaanka ah iyo Al-shabaabkii weerarka kusoo qaaday Baxdo oo ay degan yihiin Ciidamo ka tirsan Ahlusunna.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka iyo dagaalkii dhacay oo dhinacyada dagaalamay soo kala gaaray, waxaana dadka deegaanka Magaalada ay sheegeen inay maqlayeen jugta qaraxyada iyo hubka la isdhaafsanayey.

Si rasmi ah looga oga khasaaraha jira, maadaama inta uu socday dagaalka ay hawada ka baxday Isgaarsiintii deegaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud, waxaana warar la helayo ay sheegayaan in deegaanka ay aadeen Ciidamo ka tirsan kuwa Galmudug oo gurmad ah.