Khasaarol Ka Dhashay Dab Ka Kacay Xarun Warshadeed Oo Ku Taala Garoowe

GAROOWE-AYAAMAHA-Dab xooggan ayaa ka kacay mid ka mid ah Shirkaddaha ganacsiga ee ku yaalla magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland.

Dabkaan ayaa waxaa uu ka kacay  Shirkadda Isbuunyada Tabaarak, waxaana ku gubanaysa hanti badan oo Shirkadda laheyd oo ku jira gudaha.

Duqa Magaalada Garoowe ee Puntland Axmed Saciid Muuse ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhashay Dabkii saakay ka kacay Xarunta Warshada Isbuunyada ee Tabaarak ay ku leedahay Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Axmed Saciid oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in dab xoogan oo socda saacado dhowr ah uu ka kacay Warshada Isbuunyada, isla markaana ay socdaan gurmayo kala duwan oo lagu deminayo dabkaas.

Wuxuu sheegay Duqa Magaalada Garoowe in dabka uu geystay khasaaro hantiyadeed oo farabadan, isagoona xusay in dabka ay ku gubteen saddex gaari oo yaallay Xarunta Warshada iyo qalab soo saarayay Isbuunyada.

Sidoo kale Axmed Saciid Muuse ayaa Carabka ku dhuftay in dabka kacay uu weli yahay mid xoogan oo uu socdo, isla markaana laga cabsi qabo inuu kusii faafo qolal kale oo ay ku jiraan qalab laga sameeyo Kiimo, kuwaasi oo ku jira Xarunta.

Duqa Magaalada ayaa tilmaamay inay socdaan Gurmadyo kala duwan oo lagu deminayo dabkaas oo ka kacay Warshadda Isbuunyada ee Tabaarak , ayna demintiisa ku howllan yihiin gaadiidka dab-demiska dowladda hoose iyo dadweyne farabadan.